Minneapolis Jan 07,2014(SDN)-Gobolada Mareykanka ee dhaca Bariga dalkaasi ayaa waxa ku habsaday qabow aan noociisa tobaneeyo sano la arag oo sababay khasaare nool yo moodba leh.
Magaalada Minneapolis oo ka mida kuwa ugu qabowga badan dalka Mareykanka ayaa waxa gebi ahaanba la mamnuucay in gawaarida la kexeeyo qabow awgii.
Goobaha gawaarida lagu hagaajiyo ayaa dalabaadkoodii caadiga ahaa uu toban jibaarmay,ka dib kolkii gawaaridii gobolka Minnesota ay qabow daraadii dhaqaaqi waayeen.
Qabowgan oo la saadaalinayo dhwr maalmood oo danbe ayaa taariikhda galay ka dib kolkii labadii todobaad ee u danbeeyay aaney warbaahintu ka hadal mawduuc kale.
Qabowgan aan caadiga aheyn ayaan ku koobneyn qaaradan Woqooyiga Amerika ee waxa sidoo kale dunida dacaladeeda laga dareemay isbedel cimilo oo aan hore loo arag.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com
