Hargaysa 07.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo saaray qoraal uu shan xildhibaan oo Golaha Guurtidda ah ugu magacaabay in ay Anshax marin ku qaadaan Xildhibaan Muuse Ciise Faarax (Ina Ciise Xamari) oo lagu eedaynayo in uu Garoowe uga Ololeeyey C/raxaan Uurbayte oo doonayey in uu ka qayb galo Doorashada Madaxtinimada Puntland.
Sidoo kale, waxa uu Xildhibaan Muuse dagaal ku qaaday Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda C/laahi Dheere kaasoo uu Feedh ku dhuftay isagoo Golaha Guurtidda jooga, kadib markii uu ka war helay dhaqdhaqaaq Goluhu ku doonayey in uu Maamuus ka xayuubin ku sameeyo maadaama oo uu Puntland tagay isagoo xil qaran haya.
Guddoomiye Saleebaan waxa uu Amray in aanu Xildhibaan Muuse Ciise Faarax Golaha soo gali Karin illaa go’aan laga soo saarayo Kiiskiisa, waxanay kala yihiin xildhibaanada loo saaray Anshax marintiisu kuwan:-
Caydiid Cabdi Maxamed
Suleex Madar Xoosh
Saleebaan Garas Seed
Axmed/Nuur Aw Cali Aadan
Muuse Ibraahim Aw Nuur
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
