Hargaysa 07.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa si adag uga hadlay Hadal ka soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Wada hadal ka Duwan ka Xukuumadu ay la Wado Somalia ay Xisbiyada Mucaaridku Wadaan.
Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Ucid uu hore uga Mid ahaa Ergooyinkii u Matalayay Somaliland Wada hadalada balse uu ku talaabsaday inuu Shirar duceedyo la galo Wufuudii Somalia uga Qayb gashay Wada hadalada waxaanu intaas ku daray in Hadalka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid uu Warbaahinta Siiyay Maalintii Shalay uu ka soo Hor jeedo Qadiyada Qaranimada Somaliland .
Guji Halkan si aad Mobilkaga uga Dhagaysato Hadalka Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/JawaabtiiWarancade07.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
