Anigoo Xalay Badda meel kusii jeedda oo Xeebta Liido ah fadhiya ayeey Sheeko aan ka yaabay i qabsatay, Tixdan Maanso ayaana durbadiiba ka sameeyay:
1. Badhtanka Habeenka
2. Badweynta agteeda
3. Anoo bog u jiifa
4. Halkaa bajinayaa(1)
5. Dayaxa bidhbidhkiisa
6. Ileyska bidhaansan
7. Ayaan barbarkeyga
8. Bilcaan uga jeeday
9. Muuqeedu basaasay
10. Malaha Boqol gaadhay!
11. Busteey huwanayd
12. Bakoor cuskanayd (2)
13. Afkaa burburnaa
14. Ilkaa baxsanaa
15. Ishaa bidixeedna
16. Bohol wax ma doorin
17. Oo wey buqsanayd
18. Billaahi talaahi
19. Kol baan Bahal mooday!
20. Intaan dhan u beydhay
21. Ayaan Carar booday
22. Lugtaa Bash(3) tiroo
23. Biyaa I jalfeeyay
24. judhiibay(4) baroortay
25. Oo booyay tollaaye
26. kolkaan Birmad waayay
27. Cid soo bixi wayday
28. Ayaan Nafta biimay
29. Hadal u bareeray
30. Balaaya haleesho
31. Koleey Bahda Aadan
32. Badh waad ka ahaatay
34. Ee maxaa ku bisleeyay
35. Oo aad la buseyshay
36. Bilicna ku seejay?
37. Waxay ku bilowday
38. Bilcaanti warkeeda
39. Wiilkaan baxsanee
40. Bacadka dhex jiifa
41. Bahal ha I moodin
42. Oo heyga baqoon
43. Bad baan ahaayo
44. Rabbaa i balaarshay
45. Dhulkana igu baafshay
46. Ballacya dhererkeyga
47. Baaxad fadhigeyga
48. Hantaa igu beeran
49. Bulshaan dharjiyaa
30. Gaajaan bi’iyaa
31. Buluug midabkeyga
32. Dhulkaan ku bilaa!!
33. Waxaanse bukooday
34. Timuhu I bideen
35. Bidaartu dhalaashay
36. Bac-wayn(5) Diraceyga
37. Boqorya dhacdaheygi
38. Bilnaanti ka caagay
39. Barbaarta Samaale
40. kolkuu baxsadkoodi
41. badhkood I dul dhaafay
42. Qaarkood badhtankeyga
43. Biyuhu ku dileen
44. Yaxaas Boqna gooyay
45. Dhiigoodi butaacay
46. Banaanka u yaacay
49. Badhkii harsanaana
50. Baaha dilatoo
51. Waxay Dan bideen
52. Burcad iyo tuug
53. Basuuke dhawaaqa
54. Bugtiyo daryankooda
55. Anoon ka bogsoon
56. Oo Berriga ka maqlaaya
57. Ayuu bunduqoodi
58. Dusheyda ka buuqay
59. Tuugtii Badaheey
60. Iyana la bexeen!!
61. Maantoo Beledkii
62. Barwaaqa la sheegay
63. Colaaddi la baajay
64. Nabad lagu baaqay
65. Baraare la joogo
66. Baar liido shaqeeyo
67. Kuraastuna buuxdo
68. Boqol Dadku dhaafay
69. Ayeey badidood
70. Allaha Badda taagay
71. Wuxuusan baneyn
72. Bad-waynta dhexdeeda
73. Bareer ku sameyn!!
74. Xumaha burqanaaya
75. Fisiqiga igu baahay
76. Waa Boog darsanaysa
77. Bugtaan dawo heysan
78. Ee Badbaadshe Ilaaha
79. Aan Beenta aqoonin
80. Ballanta adkeeya
81. Inaan Baryadiisa
82. Baalkeeda galnaa
83. Dambiga ka baxnaa
84. Ayaan ku boogsoon
85. Sideey Baddu sheegtay!!
86. Anoo u bogaaya
87. Bayaanka dhageysan
86. Duqdii Balbaleysay
86. Cirkeeyba u biibtay
CURIYE: MOHAMED DHAALEEY
________________________
Micneynta Ereyada:
(1). Nasasho, waliba marka aad aad usoo daashay.
(2). Bakoortu waa Ul ama Qori la qoray oo Dadka aan Lugaha ku socon karin ay ku taaksadaan.
(3). Lugtaa jabtay, Bash waxay ka dhigantahay Dhawaqa marka ay wax jabaan.
(4). Judhiiba, waxaan uga jeedaa markiiba, oo Waqti aad u dhaw deg degna laga dheehan karo ah.
(5). Bac-wayn, ama Bac-wayne waa Dirac ay Habluhu qaataan oo aad loo jecelyahay Waqtiyadii dambena soo baxay, kaas oo Garbaha hoostooda ama Kilkilaha loo yar ballaariyay oo loo furfuray.
