Uncategorized

Gabar Toban Jir ah oo Talibaanku ku khasbeen in ay is qarxiso

Kabul Jan 08,2014(SDN)-Gabar yar oo da’adeeda lagu sheegay 10 jir oo ay kooxda Talibaan ku khasbeen in ay isku qarxiso goob xad ah ayaa la qabtay.

Waxa soo baxaya warar kala duwan oo ka hadlaya sida gabartan lagu qabtay ayaa soo baxaya waxaase ka hadlay madaxweynaha dalkaasi ee Xaamid Karzai.

“Caruutu waa mustaqbalka dalkan,waa in la xaneeyeeyo oo wax la baraa,ma aha in loo isticmaalo sida Hubka oo kale”ayuu yiri Karzai.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada Afgaanistaan iyo huwanta reer Galbeedku qabtaan caruur lagu sooo xiray hubka qarxa.

Sanadkii ina dhaafay ayay ciidamada Afgaanistaan waxa ay qabteen 41 caruur ah oo talibaanku doonayeen in ay u isticmaalaan isqarxin.

Caruurtan ciidamadu qabteen ayaa da’adeedu u dhexeeysay 6 jir iyo 11 jir.

Gabartan yar ee 10 jirka ah oo magecada lagu soo gaabiyay Spozhmai ayaa la sheegay in walaalkeed Hammeed Sahib yahay taliye ka tirsan meliishaadka Taliban.

Gabadha ayaa haatan ku jirta gacanta ciidamada amaankaee dalka Afgaanistaan.

SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com