Garowe:08-Jan-2014 (SDN)-Ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab ayaa markii ugu horraysay si cad uga hadashay Doorashada Madaxweynenimo ee Maanta lagu wado inay ka qabsoonto Xarunta Puntland.
Kooxda ayaa ayaa hannaan aan hore looga baran uga hadashay Doorashadan, waxana ay carrabka ku adkaysay inay Dagaal la geli doonaan Cid kasta oo u codaysa Musharax ka mid ah kuwa haatan u taagan Doorashada Puntland.
Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta Afka Shabaabka ku hadasha ayaa sheegay in ay u digayaan isimada iyo xildhibaannada baarlamaanka Puntland, wuxuuna ku baaqay in aan la dooraan madaxweyne Faroole.
Wuxuu ku hanjabay haddii la soo doorto madaxweyne Faroole in dagaalka ay ka wadaan deeganada Puntland uu laba jibaarmi doono isla markaana ay dhibaato xooggan la kulmi doonaan reer Puntland.
Xasar Takar ayaa ku eedeeyay Faroole mudaddii uu xilka hayay in uu u horseeday deeganno badan oo Puntland in ay gacanta u galaan waxa uu ugu yeedhay caddowga Islaamka.
“Haddii aad doorataan Faroole dagaalka ayaa idinku badanaya, dhibaatada ayaa idinku badaneysa walaaca ayaa idinku badanaya, Faroole yaan la dooraan” ayuu yidhi Sheekh Xasan Takar.
Wuxu ku tilmaamay haddii Faroole la doorto in ay tahay kud ka guur oo qanjo u guur, wuxuuna sheegay in waxbo aanu soo kordhin doonin.
Waxaa kaloo Faroole uu ku eedeeyay in uu wato wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nichalas Kay, wuxuuna sheegay in labadaas nin ay ku heshiiyeen siddii loo iibsan lahaa shidaalka ku keydsan deegannada Puntland.
Wuxuu dardaraan siiyay musharrax Cali Warsame oo uu sheegay in uu aad u yaqaano, isla markaana uu yahay qof yaqaana diinta Islaamka wuxuuna kula dardaarmay in uu ka laabto doorashadda oo uu horseedo Puntland siddii diinta Islaamka ay u hormarri lahayd.
Waxa kale uu ugu hanjabay xildhibaanada maanta wax dooranaya inay Cawaaqib xumo weyn la kulmi doonaan haddii ay codkooda siiyaan Madaxweyne Faroole.
Al-Shabaab ayaa dhul badan ka maamusha gobalka Bari gaar ahaan buuraha Golis, waxaana dhowr jeer ay weerar ka geysteen magaalooyinka Puntland.
Haddalkan ka soo yeedhay Al-shabaab ayaa ah mid aan hore looga barin, waxana haatan dadku is weydiinayaan sababta keentay inay Al-shabaab kala jeclaystaan musharaxiinta Puntland, islamarkaana ay si gaar ah uga soo horjeestaan Shakhsi gaar ah.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
