Uncategorized

Maxaaa Keenay Inuu Wasiir Waran-cadde Si Degdeg ah Uga Jawaabo Hadalkii Eng. Faysal Cali Waraabe Ku Hilgaaday Madaxtooyada.?

Hargeysa:08-Jan-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maalintii shalay Si Kulul oo Dedeg ah uga jawaabay Hadal uu Maalin ka hor yidhi Eng. Faysal Cali waraabe oo ka Biyo Diiddanaa hannaanka ay xukuumaddu kaligeed iskugu koobtay Wada-hadallada lala leeyahay Somaliya.

cadWasiir Waran-cadde, ayaa sida laga warqabo culays Badani kaga yimi dhinaca madaxtooyada, waxana la Faray inuu Isagu yahay shakhsiga ku haboon ee jawaab ka bixin kara Hadalka Faysal, maadaama Inta badan ay  madaxtooyadu si gaar ah u dhibsato Weedhaha  Eng. Faysal cali waraabe.

Wasiirka ayaa la sheegayaa inuu Habeen hore fiidkii hore ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo loogu laqimayey hannaanka uu ugu jawaabi doono Faysal, waxana Halkaas loogu sheegay inuu hadalkiisa u badiyo  inuu Faysal Yahay shakhsi xukuumaddu ka shakisan tahay sidii uu horeba u sheegay Xirsi cali xaaji xasan.

Sida ka muuqatay Hadalkii wasiirka ee shalay, kama uu laba-labayn Dardaarankii uu madaxtooyada ka keenay, waxana uu markii uu soo toosay u yeedhay saxaafadda, isagoo waliba haysan kari waayey Cunfiga madaxtooyadu u hayso Saxaafadda Xorta ah gaar ahaan kuwii baahiyey Hadalkii Faysal ku durayey Maamulka Haatan ka jira Somaliland oo uu ku sheegay in majara habowsan.

Wasiirka ayaa markii hadalkiisa ku bilaabay inuu faysal yahay nin shaki laga qabo  oo aan u qalmin in wada Hadal lagu daro, isagoo  oofinaya Ballantii  uu madaxtooyada kala yimi ee ahayd inuu meesha ka sheego kaliya sababtu inay tahay shaki laga qabo Hoggaamiyaha Ucid.

Hannaanka uu wasiirku u soo qaatay hadalkaas ka soo baxay dadka Danta gaarka ah leh ee aanay Bulshadu dooranin, ayaa muujinaya inaanu warancadde lahayn wax Haybad iyo Geesinimo ah oo uu kaga Baydho Docfaruurka ay Somaliland ku Hayaan Shakhsiyaadka Aan U Tudhaynin dadka iyo dalka midna.

Waxa kale oo Hadalkaas Warancadde laga dheehan karayey inaau Wasiirku ka Fiirsan Hadalka ka soo yeedhayaa saamaynta uu yeelan doono iyo waliba cidda amarka siisay oo sida la sheegay kaliya ay gubaysay Hadalka Faysal, islamarkaana Bogsanaya xilliga Jawaab la bixiyo.

Waxa Haatan jira Saluug Ba’an oo shacabku ka muujiyeen Shaqada wasiirka arrimaha Gudaha somaliland oo caan ku noqday inuu qaabilsanaado oo shaqadii qaranka ku seego u jawaabidda shakhsiyaadka Hadallada Gantaalada ah ku hilgaada Madaxtooyada, waxana la Is Weydiinayaa Sababta uu Wasiirku iskaga Shaandhayn La’ yahay  Hadallada uu ka soo qaadayo dadka jecel inaan badka la keenin Fadeexadaha iyo dhibaatada ay ku hayaan umadda ee Madaxtooyada ku dhex dhuumanaya.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu wasiir warancadde Haddal noocan oo kale ah uu si degdeg ah usoo qaado, una mariyo saxaafadda, waxana Hore u dhacday inuu weerar afka ah ku qaaday Hay’ado xukuumadda ka tirsan oo markii dambe ay wadhi badani ka raacday Wasiirka.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com