Uncategorized

Hogaanka Cusub ee Maamul Goboleedka Punt Land oo la Dhaariyay Iyo Balan Qaadka Madaxweyne Gaas

Garowe 08.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa lagu dhaariyay hoolka baarlamaanka oo maanta lagu doortay.

Madaxda_Cusub_ee_Puntland_loo_DoortayLabada mas’uul ee la doortay C/weli Gaas iyo C/xakiin Camey ayaa waxaa dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland, iyadoo sheegay dhaarta kaddib inay si wanaagsan oo cadaalad ah ay ugu adeegi doonaan shacabka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xilka kula tartamay 10 murashax oo uu ku jiray madaxweynihii hore ee Puntland. C/raxmaan Faroole oo uu wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyay uu uga badiyay hal cod oo keliya.

Gaas ayaa ku guuleystay 33-cod, halka madaxweynihii hore ee Puntland oo uu tartan adag dhexmaray uu helay 32-cod, waxaana xumaaday hal cod oo keliya sida ay guddigu sheegeen intii tirintu socotay.

Sidoo kale, C/xakiin Camey ayaa wuxuu helay 48-cod wareeggii saddexaad ee loogu tartamayay xilka madaxweyne ku xigeenka oo ay isku soo hareen murashax C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo isagana helay 16-cod oo kaliya.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland ayaa waxay xilka hayn doonaan shanta sano ee soo socota, iyadoo noqonaya xubnihii afaraad oo hoggaanka Puntland loo doorto tan iyo markii la aasaasay Puntland sannadkii 1998-kii.

Labadan mas’uul ee la wareegay hoggaanka Puntland ayaa waxay dhawaan la wareegi doonaan xilka, iyagoo xilalka kala wareegi doona madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole iyo madaxweyne ku xigeenkiisii Jen. C/samad Cali Shire.

Geesta kale Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu Puntland ku hoggaamin doono daacadnimo, isla markaana uu la imaan doono dedaal badan.

Madaxweynaha oo la hadlay Bar-kulan ayaa tilmaamay in horumarinta xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu muhiim u yahay labada dhinac iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wuxuu kaloo xusay in Puntland uu ka billowday isbeddelkii la doonayay, uuna ku faraxsan yahay doorashadii madaxtinnimada ee maanta ka dhacday Garoowe.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa u mahadceliyay madaxweynaha xilka ka dagaya, Cabdraxmaan Faroole oo uu ku ammaanay waxqabadkiisii muddada uu xilka hayay.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com