Uncategorized

“Haddii uu shaqadiisa garan waayey wasiirka arimaha guduhu anaga ayaa u tilmaamayna waxaanan leenahay wasiir safaarada tobanka talaabo kuu jirta ayey shaqadaadii taala” Jawaabta Xisbiga Ucid {DHAGAYSO}

Hargaysa 08.Jan 2014 (SDN)- Xoghaya arimaha bulshada xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee Ucid waxa uu sheegay inay xukuumada Somaliland ogolayd in lagala qayb galo wada hadalka dalka somaliya balse waxa uu sheegay inay xukuumada hada qabsadeen dadka kale oo aan la garanayn waxaanu yidhi ?waxaan leeyahay xukuumada Somaliland intii aanay ku soo bixin kooxo danbe oo imika qabsaday way jeclayd in la raaco oo lala taliyo, xisbiyada mucaaridkana way kaxaysan jireen ajandayaashii u horeeyey ee ay kaga qayb galeen bilawgii wada hadalkana waxa sameeyey Faysal Cali Waraabe  waxaana haatan loo reebay inay jiraan waxyaalo la qarsanayo  oo aanu xaga danbe ka oo sheegi doono.?

Xoghayaha arimaha bulshada  ee xisbiga Ucid waxa uu jawaab kulul ka bixiyey hadalka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha oo ku wajahnaa  gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaanu yidhi ?marka uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland leeyahay waa xisbi qaran iyo waa gole qaran miyaanu ogayn inay qaranimada soo galayaan xisbiyada qaranku,qofkuna marka uu masuulka yahay waxa wanaagsan inuu barto waajibaadkiisa, Faysal Cali Waraabe-na waxa uu la hadlayey wasiirka arimaha debada oo sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi ka qayb galayn guddida wada hadalka, wasiirka arimaha guduhuna waxa uu garan waayey cida lala hadlayey.?

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay Xuseen Xasan Badmaax oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Ucid kaas oo xukuumada ku dhaliilay inay kaligeed isku koobtay waftiga wada hadalka la galaya wadanka Somaliya.

Guji Halkan Si aad Mobilkaaga Uga Dhagaysato Hadalada Madaxda Ucid
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Ucid08.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com