Uncategorized

Ambassador Maxamed Jaamac Sifir oo Sharaxaad ka Bixiyay Sida ay Safaarada Somaliland ee Kenya u Shaqayso

Hargaysa 14.Jan 2014 (SDN)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kiinya Dr Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo maanta u waramay warbaahinta dawladda ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlaha safaaradda Somaliland ee Magaalada Nairobi.

sifirSafiirku waxa uu sheegay in safaarad ahaan ay ku guulaysteen inay adeegyo lagama maarmaan ah u qabtaan bulshada Somaliland ee dalka Kenya ku sugan isla markaana ay  ku qanciyeen dawladda Kenya inay safaarad buuxda ka furato caasimadda hargeysa.

Dr Siffir oo ka hadlayey dhinaca horumarinta iyo iskaashiga labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia ayaa sheegay in dawladda Kenya ay dhowaan mashaariic horumarineed ka fulinayso gudaha Somaliland, taasoo ay qayb ka yihiin arimo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah.

MD Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) safiirka Somaliland ee dalka Kenya waxa uu sheegay in safaaradda Somaliland ee magaalada Nairobi ay ka hawlgasho isku xidhka xidhiidhka Somaliland la leedhay beesha caalamka, ururada caalamiga ah iyo  kuwa Gobolka geeska afrikaba  .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com