Hargeysa Jan 14,2014(SDN)-Gaadhi caanoole ah Oo Nooca lagu Magacaabo DYNA ah, Ayaa Casarkii Shil ku galay Kuna qalibmay Deegaanka ISHA GOBKA, Oo Ku yaala Duleedka Magaalada Hargeysa.
Gaadhiga Oo Kasii amba Baxaayay Magaalada Hargeysa kuna Sii jeeday Uubaale, ayaa sida Uu Noo xaqiijiyay Xildhibaan Naasir Cabdi Iimaan Oo kamid ah Golaha Deegaanka Sallaxley.
Waxaa Shilkaasi Ku Dhaawacmay Dad ay Tiradoodu dhan tahay Toban qof, Kuwaasoo Dhawaaca Dadkaasi ay Laba kamid ahi Aad u Culusyihiin.
Dadka Shilkaasi gaadhi Ku Dhaawacmay ayaa Waxaa Dib loogula Soo cararay Magaalada Hargeysa.
Mawliid Maxamed Siciid.
SOLNA AGENCY REPORTER
