Oog 14.Jan 2014 (SDN)- Weftigii uu horkacayey wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee JSL Md Cali Maxamed Warancadde oo weli ku sugan Gobolka Sool kuna hawlan dhexdhexaadinta labo ardaa oo isku deegaan ah oo ay todobaadkan dhexmareen iska hor’imaado dhiig ku daatay uu ka dhex dhacay ayaa maanta waxa ay weftigu kulan la qaateen Labadda Beelood ee Gacan ka Hadalku Dhex maray .
Wadahadalada weftiga dhexdhexaadintu la leeyihiin ardaagaasi oo illaa duhurnimadii maanta la isla gaadhay oo aan la soo gebagebayn kana dhacaya deegaanka Doco ee Nugaasha Gobolka Sool ayaa u muuqda kuwo sida ay u dhacayaan natiijo wax ku ool ihi ka soo bixi doonto .

Oog SDN.
Qurbejoog.com
