Uncategorized

Sababaha Dhabta ah ee Shirweynaha Kulmiye Hortaagan+ Madaxtooyadda Oo Si Toos ah Ula Safatay Garabka Samaale ee Farxad-geeraarka Ku Jira+ Hoggaanka Xisbiga Ee Dimuqraaddiyadda Neceb Oo Ceel La Dellegan

Hargeysa:15-Jan-2014(SDN)-Wararka ku dhaw dhaw Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegaya inay diyaariyeen  in Muddo lix bilood ah dib loo dhigo Shirweynaha saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo qabanqaabadiisa loo igmaday.

dedaoHaddaba shacabka Reer somaliland ayaa si weyn u hadal haya Dhibaatada aan laga gudbayn ee Haysata Xisbigii ay talada Waddanka u dhiibteen ee Kulmiye, waxana ay wali fahmi kari la’yihiin meesha sartu ka qudhuntay ee xisbigu ka tallaabsan kari la’yahay.

Sida xaqiiqada ah waxa jira Dhibaatooyin badan oo xisbiga Haysta, kuwaas oo ay ugu horrayso Tallaabadii sharciga ka Baxsanayd ee uu Madaxweyne Siilaanyo Hoggaanka Xisbiga ugu dhiibay Guddoomiye Muuse Biixi oo ahayd mid xeer jajab ku dhisan sharciga Baalmarsan.

Tallaabadaas uu madaxweyne Siilaanyo markii uu kursiga Madaxweynenimo fuulay xisbiga ugu dhiibtay Guddoomiye Muuse Biixi ayaa keentay in xisbiga Dhexdiisa ay ka Abuuranto Colaad hoose iyo is ficishi dhex yaalla rag badan oo xisbiga Tacab badan geliyey amaba lahaa damac siyaasadeed oo la mid ah midka uu Muuse leeyahay.

Dhibaatooyinkaasi waxa ay keeneen in Shirweynihii kan ka horreeyey  xisbiga Dibadda lagag dhigo  Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo muddo badan xisbiga Madax ka soo ahaa.

Sidoo kale waxa soo baxay Rag kale oo ka siyaasad toolmoon Guddoomiye Muuse Biixi, kuwaas oo si Xeeladaysan xisbiga dhexdiisa uga samaystay Xulufo adag oo jilaafo u noqota tallaabo kasta oo uu Guddoomiye Muuse ku Hagardaamaynayo cid kasta oo isku dayda inay tartan keento.

Ragga xeeladahaas isticmaalay oo uu Kow ka yahay Wasiir Samaale oo damaciisa hore u sheegi jirey, ayaa  awooddiisa muujiyey dhammaadkii sanadkii ina dhaafay oo ballantu ahayd in shirweynuhu qabsoomo, waxana  ay si lama filaan ah Gacanta ugu dhigeen Guddidii qabanqaabada oo uu Guddoomiye Muuse Gacantiisa ku soo magacaabay.

Koodan uu Samaale Hormoodka u yahay oo Xarfaan ku ah Hannaanka taageerayaasha loo samaysto, ayaa cudud weyn ku dhex yeeshay Xisbiga, waxana ay si lama Filaan ah ugu xidhmeen Dhinaca madaxtooyada oo aan sideedaba laga jeclayn Ragga haatan hoggaanka xisbiga u kala sarreeya, waxana ay taasi keentay shaki uu Guddoonka xisbigu ka qaado aqalka  madaxtooyada.

 

Waxa sidoo kale kala Go’ay Tallooyinkii, Wax is weydiintii iyo Odayeyntii uu madaxweyne Siilaanyo xisbiga muranka kaga saari jirey, maadaama ay Hoggaanku aaminsan yihiin inuu la socdo cid ay  is hayaan oo aanu dhexdhexaad ahayn, waxana ay taasi sababtay in Kooxdii samaale si fiican ugu xidhmaan madaxtooyada oo muhiim u ah arrimaha xisbiga.

Muddo ka hor waxa dhacday in Madaxweyne-ku-xigeenku isku dayey inuu ka jawaabo dalab uga yimi Kooxda Samaale oo doonaysay inay in Golaha dhexe la isku yeedho oo shir loogu qabto si ay madaxda Qaranku ugu sharraxaan hannaanka la doonayo in shirweynaha xisbiga loo amabqaado, balse waxa Arrintaan  gaashaanka U daruuray Hogaanka Sare ee Xisbiga oo waliba Hadallo caadifadaysan Warbaahinta u mariyey Madaxweyne Ku xigeenka, iyagoo sheeganaya inaanu xaq u lahayn inuu Xisbiga Faraha la soo gallo.

Dhawaaqaas iyo Hadaladaas ay is weydaarsdeen  Saylici iyo Ina kaahin, ayaa sii kala fogeeyey xisbiga iyo Madaxtooyada, waxana Tallooyin muddo socday hoosta ka waday Kooxda Samaale oo iyagu diyaarinayey Istaraatiijiyad ay Meesha kaga saaraan Ragga muddada dheer xisibga Tataladiisa gacanta ku soo Hayey ee aan Ogolayn in cid kale meesha kula Tartanto.

Sidoo kale Kooxdan samaale Gadhwadeenka u yahay waxa ay si Buuxda Gacanta ugu wabatay Guddida qabanqaabada shirweynah Xisbiga oo iyagu awood u leh inay muddo kale dib u dhigaan Shirweynaha xisbiga si Meesha looga saaro Khilaafka, islamarkaana  Hoggaanka Sare ee Xisbiga looga dhaadhicin lahaa inay Ogolaadaan tartan iyo Dimuqraadiyadda inaan laga tegin.

Hogaanka sare ee Xisbiga ayaa iyagu ciil la dellegan, waxana iyaga oo Qamuumyeysanaya ay la’ yihiin meel ay wax ka Bilaabaan, maadaama Dagaalka lagu hayo ay madaxtooyadu kaalinta koowaad kaga jirto.

Waxa  haatan socda Dedaalo la doonayo in Madaxda Xisbiga laga dhaadhiciyo inay Aqbalaan muddo kordhin kale oo Shirweynaha xisbiga loo sameeyo, iyadoo aan la garanayn inay taas aqbali doonaan iyo in kale.

Dhinaca kale Garabka Wasiir Samaale ayaa ku jira mid ka mid ah ayaamihii ay ugu farxadda badnaayeen, waxana ay Daawanayaan Shaxda Madaxtooyadu waddo oo ay taladeeda wax badan ku lahaayeen oo ah inaan waxba kala socon karin ilaa la Ogolaanayo in Tartan xalaal ah xisbiga dhexdiisa lagu kala calaf qaado oo Muuse iyo Xertiisu aanay Ogolayn.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com