Jowhar:15-Jan-2014 (SDN)-Kooxda Al-shabaab ayaa saaka subaxii hore iskaga baxday Degmada Mahadaay oo ay Habeenkii xalay Gacan-ku-haynteeda kala wareegeen ciidanka Dawladda.
Wararka Saaka Soo Gaadhay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sheegaya inaa Saaka Sallaaddii subax ka dib ay ciidankii Al shabaab iska baxeen Magaaladaas, iyagoo u jihaystay meeshii ay markii horeba ka yimaadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa la sheegay in saaka ay gudaha u galeen Mahadaay iyadoo aanay dhicin wax dagaal ah waxaa ayna degmada eheyd mid aanay joogin xiligaas ciidamadii Shabaab oo halkaas la wareegay mudo saacado ah.
Sababta keentay in al shabaab ay iskaga Baxaan Degmadda Mahaddaay ayaa ahayd markii ay ka war heleen inay Halkaas ku soo jihaysan yihiin ciidan Amisom ah oo aad u xooggani.
Ciidamada DF Somalia ayaa dib ula wareegay goobihii laga qabsaday waxa ayna ku laabteen Fadhiisimahooda ,sidoo kale ciidanka Shabaab ayaa la sheegay in ay la baxsadeen laba baabuur oo nuuca dagaalka ah oo ay ka qabsadeen ciidamada DF Somalia.
Guuldarradan lama Filaanka ah ee Kooxaha Al shabaab badeen Ciidanka Dawladda ayaa muujinaysa inaan la isku hallayn karin Shaqada uu ciidanka Dawladdu ka hayo degmooyinka uu faraha ku hayo, waxana ay sidoo kale dhiirrigelin u tahay kooxaha Al shabaab oo haatan aaminsan inay Meel kasta qabsan karaan.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com
