Uncategorized

Afar Somali ah Oo ku Eedaysan Dhacdadii Westgate Oo Maanta Maxkamad Kenya Lagu Saari Doono

Nairobi:15-Jan-2014(SDN)-Waxa lagu wadaa inay Maanta Dalka Kenya ka Bilaabanto Dacwad ka Dhan ah Dad Soomaali ah oo lagu Eedeeyey inay Lug ku lahaayeen Weerarkii sanadkii hore lagu qaaday  Xaruntii Ganacsi ee Westgate.

 

courtBishii November Sanadkii  ina dhaafay ayay aheyd markii dadkaasi ay kasoo muuqdeen maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo dhamaan dambiyadii loo jeediyay ay beeniyeen inay ka dambeeyeen.

Dadkan Oo Tiradooda lagu sheegay Afar qof  ayaa ku jiray xabsi KMG ah wixii ka dambeeyay markii ay kasoo muuqdeen maxkamada magaalada Nairobi, waxaana suurto gal ah sida sharciga Kenya uu qabo in lagu sii daayo damiin

 

khabiir dhanka amaanka ah ayaa sheegay in damiin kaasi ay ka baqayaan masuuliyiinta dowlada Kenya sabab xidhiidha afarta ruux oo laga cabsanayo inay usoo baxsadaan dalka Soomaaliya ayna geystaan weeraro kale.

Weerarka loo Haysto Eedaysanayaashan ayaa markii uu dhacay Waxa Masuuliyadiisa sheegtay  Ururka Al Shabaab, waxana ay ku andacoodeen inuu jawaab u yahay dhibka Kenya ku hayso soomaalia.

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com