Nairobi:15-Jan-2014(SDN)-Waxa lagu wadaa inay Maanta Dalka Kenya ka Bilaabanto Dacwad ka Dhan ah Dad Soomaali ah oo lagu Eedeeyey inay Lug ku lahaayeen Weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Xaruntii Ganacsi ee Westgate.
Bishii November Sanadkii ina dhaafay ayay aheyd markii dadkaasi ay kasoo muuqdeen maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo dhamaan dambiyadii loo jeediyay ay beeniyeen inay ka dambeeyeen.
Dadkan Oo Tiradooda lagu sheegay Afar qof ayaa ku jiray xabsi KMG ah wixii ka dambeeyay markii ay kasoo muuqdeen maxkamada magaalada Nairobi, waxaana suurto gal ah sida sharciga Kenya uu qabo in lagu sii daayo damiin
khabiir dhanka amaanka ah ayaa sheegay in damiin kaasi ay ka baqayaan masuuliyiinta dowlada Kenya sabab xidhiidha afarta ruux oo laga cabsanayo inay usoo baxsadaan dalka Soomaaliya ayna geystaan weeraro kale.
Weerarka loo Haysto Eedaysanayaashan ayaa markii uu dhacay Waxa Masuuliyadiisa sheegtay Ururka Al Shabaab, waxana ay ku andacoodeen inuu jawaab u yahay dhibka Kenya ku hayso soomaalia.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com
