Garowe:15-Jan-2014(SDN)-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaqadiisii ugu horraysay ka Bilaabay Inuu magacaabo Agaasimaha Madaxtooyada.
Agaasimaha Cusub ee uu haatan magacaabay Madaxweyne Cabdiweli, ayaa ah shakhsi ay saaxiibo dhow yihiin, islamarkaana ay hore u soo wada shaqeeyeen xilligii uu Ra’isal wasaaraha ka ahaa Dalka Somalia.
Deeq oo ah Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada ayaa ah Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada waxaana Saddex Degree oo laba ay tahay Master’s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.
Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.
Deeq wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo kamid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsana Cilmi baadhista dib u xasilinta Dalka Somalia.
Dr. Deeq wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska isagoo ka soo qabtay Xilal ay kamid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.
Sidoo kale Deeq wuxuu ahaa lataliyaha Raisulwasarihii hore ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Arrimihii Road Map-ka Gaar ahaan Maamul Wanaagga.
Deeq wuxuu sannadihii ugu Dambeeyay u ku sugna Dalka isagoo Go’ansaday in Dadkiisa iyo Dalkiisa uu wax u qabto.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com
