Boorama 15.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) iyo wefti caafimaad oo uu hogaaminayo oo mudooyinkii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa maanta maray deegaano ka mid ah gobolkaasi iyadoo dadweynaha deegaanadaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee wehelisa.
Wasiirka oo lugtiisii u horaysay maalintii shalay ka bilaabay magaalada Boorame ee xarunta gobolka awdal ayaa socdaalkiisu ku wajahan yahay xog ogaal u noqoshada xaaladda caafimaad ee goboladaasi, waxana isaga iyo weftigiisu ay subaxnimadii saaka soo mareen deegaaanada kala ah Degmada Bakki, Cali Xaydh iyo waraqa-dhibta, halka duhurnimadii maantana ay soo gaadheen magaalada garbo-dadar, habeenimada caawana ay ku sugnaan doonaan magaaalada xeebta ah ee Lughaya .
Wasiirka iyo weftigiisu intii ay marayeen deegaanadasi waxay warbixino ka dhegaysteen mas’uuliyiinta iyo hawlwadeenada caafimaad ee degmooyinkii iyo tuulooyinkii ay socdaalka ku mareen iyagoo u kuurgalay heerka ay gaadhsiisan tahay xaaladda caafimaad ee bulshada iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee adeegyada caafimaadka la xidhiidha ee deegaanadaasi u baahan yihiin.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com
