Hargaysa 15.Jan 2014 (SDN)- Kulankii labbaad ee xubnaha gudida heer gobol ee loo xilsaaray ilaalinta habsami u socodka hawsha qandaraaska Mashruuca Berbera corridor ayaa maanta ka furmay magaalada hargeysa.
Kulan oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka socday Xukumada Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka Qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shirre, maareyaha guud wakaalada horumarinta wadooyinka Xassan Cali Xassan, iyo saraakiil ka kala socday EU-da, IGAAD, hay’adda wadooyinka ee Itoobiya, ayaa waxay warbixin kaga dhegeysanayey daraasad ku waajahan waddadaasi oo ay sameysay shirkada qaadatay qandaraaska oo laga leeyahay dalka Germelka.
Kulankan oo qaatay muddo aad u dheer ayaa markii uu dhamaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey nuxurka kulankaasi Maareyaha guud wakaalada horumarinta wadooyinka Prof. Xassan Cali Xassan
Waxaanu yidhi. “Halkan waxaanu ku kulanay shirkadii qandaraaska ku qaadatay in ay sameyso daraasada jidka isku xidhaya Berbera iyo wajaale, oo muddo dheer hawshiisu socotay, lakiin qoladani waa qolo imika lasiyey shaqada waxanay bilaabeen shaqadan bishii Saddexaad ee sanadkii hore iyaga oo daraasada dhamayn doona bisha Junne ee sanadkan, kulankan waxa uu ahaa in ay soo bandhigaan wixii ay qabteen ee daraasad ahaa in ay noo sheegan, kuwaasi oo warbixinta siinaya guddidii hogaaminaysay hawsha oo ka kooban wasarada madaxtooyada oo iyadu hoos tagto hay’ada waddooyinku, wasarada hawlaha guud, wasaarada qorshaynta, masuuliyiin ka socda Dekeda Berbera iyo hay’adda wadooyinka ee Itoobiya, intaasi waa inta guddida ah, waxa kale oo guddida xubin ka ah IGAAD, waxa kale oo xubin ku leh EU-da marka intaasi ayaa maanta shir la lahayd shirkadii lasiiyey qandaraaska, runtii wax badan ayaanu isla fahaney waxbadana way qabteen, laakiin waxaanu culeyska saaraynaa hawshaasi way nagu raagtay oo ilmihii dhashay waagii qorshahaasi lagu dhawaaqay waa 14jir, walina waxba maynaan arag lakiin waxaanu rajeynaynaa in aynu ka midho dhalino, oo aanu culay aanu saarano si dhakhso loo bilaabo shaqada si fiican shaqadu way u socota.”Ayuu yidhi.
Xubnaha Gudida Heer gobol (Regional Steeering Committee) ee loo xilsaaray ilaalinta habsami u socodka hawsha qandaraaska mashuurca Berbera Corridor ayaa waxay ku adkaysanayaa in mashrucaasi uu hirgalindoon sanadka cusub Misha Junne, laakiin illaa hada lama oga in uu mashruucasi uu noqondoono mid hilgala iyada iyada oo isla guddidu ay cadeeyen in mashruucani uu noqday mdi muddo dheer soo jiitamay.
