Uncategorized

Maxkamad la soo Taagay Eedaysanayaashii Weerarkii West Gate

Nairobi 15.Jan 2014 (SDN)- Maxkamadeynta afar nin oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo weerarkii bishii September ee sanadkii hore ka dhacay xarunta ganacsiga Westgate ayaa maanta ka billaabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Westgate-suspects-300x168Afarta nin ee maxkamadda la soo taagay ayaa waxay kala yihiin Aadan Maxamed Cabduqaadir, Maxamed Axmed Cabdi, Cabdullaahi Cumar iyo Xasan Mustafa.

Raggan oo lagu eedeeyay in ay xiriir la sameeyeen dableydii gaysatay weerarka Westgate oo lagu dilay 67 qof ayaa beeniyay eedeyntaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarkaas.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com