Uncategorized

Madaxweyne Siilaanyo Oo Turxaan Bixinta Khilaafka Xisbigiis Ragaadiyey U Magacaabay Sagaal Xubnood Oo ay Saaxiibo Dhaw yihiin

Hargeysa:16-Jan-2014(SDN)-Iyadoo uu Khilaafka cakiran ee xisbiga Talada Haya ee Kulmiye haatan meel adag marayo, ayaa uu madaxweyne          Siilaanyo qaatay Go’aan uu u arko  xal xisbiga la iskugu soo jiidi karo.

dawakhWarar ku dhaw dhaw aqalka Madaxtooyada, ayaa sheegay inuu Habeen Hore  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu Sagaal Xubnood u magacaabay inay turxaan-bixin u noqdaan khilaafka cilankiisa la saari waayey ee Xisbiga Ragaadiyey.

Sidoo kale waxa Dib loo dhigay Shirweynaha Xibsiga oo lagu 22/3/2014-ka.

Liiska xubnaha sagaalka ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay waxa ay kala yihiin:-

1.       Wasiir Maxamed Biixi Yoonis

2.       Wasiir Axmed X Cali Cadami

3.       Wasiir Samsam Cabdi Aadan

4.       Wasiir Sh Khaliil C/laahi

5.       Wasiir Maxamud Xaashi

6.       Xildhibaan Maxamud Axmed Obsiiye

7.       Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

8.       Xildhibaan Abiibakar Good

9.       Jamaal Caydiid

Magacaabista xubnaha iyo ku dhawaaqista wakhtiga labadaba waxa go’aamiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo wax talo ahna lagama galin hogaanka Xisbiga Kulmiye ee qaban kari waayey shirweynaha, marka laga reebo guddida qaban qaabada oo uu Madaxweyne Siilaanyo shalay kala tashaday arrimahan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay kulan uu la yeeshay guddidan in uu faray in ay go’aamiyaan wax kasta oo xal u noqonaya qabsoomida shirweynaha isagoo u jeexay Nidaam uu u dajiyey, waxaanu amray in talaabo kasta oo ay qaadayaan ka ansixiyaan guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo leh awooda kama danabaysta ah ee go’aamada Xisbiga.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com