Uncategorized

Laba Xildhibaan oo Baarlamanka Punt land ka Tirsan oo lagu Xidhay Xalay Magaalada Laascaanood iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo amray Sii dayntooda

Laascaanod 16.Jan 2014 (SDN)- Aadan Xuseen Fool Jaawe iyo Faarax Caydiid Casowe oo ka Mid ah Xildhibaanada Cusub ee Maamul Goboleedka Punt land ayaa Xalay Ciidanka Laanta Socdaalka ee Magaalada Laascaanood ay Qabteen Isla markaana Xidheen,Sidaana Waxa Sheegay Taliyaha Laanta Socdaalka ee Gobolka Sool.

Laascaanood1Labadan Xil dhibaan oo aan la Ogayn Sababta Rasmiga ah ee Socdaalkooda ayaa la Sheegay inay Dhalasho ahaan ka Soo Jeedaan Gobolka Sool iyadoo  qabashadoodu ay  ka danbaysay kadib markii ay ka war heleen Ciidanka Laanta Socdaalku in Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Punt land ay Soo Galeen Gudaha Magaalada Laascaanood.

Labadan Xildhibaan ayaa lagu Xidhay Saldhiga Booliska ee Magaalada Laascaanood oo ay Mudo Saacado ah ku Jireen,Sida uu Shabakada Qurbejoog.com u Xaqiijiyay Mas,uul ka Gaabsaday in Magaciisa la Xuso. Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan ayaa la Socodsiiyay Qabashada Labadan Xildhibaan ee Sifaha Khaldan ku soo galay Xuduudaha Somaliland Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo ku Sugan deegaanka Oog .

Wasiirka ayaa Badhasaabka ku amray inuu Xoriyadooda u Soo Celiyo Siina daayo.

Warar Niskii Danbe ee Xalay Soo Gaadhayay Shabakada Qurbejoog.com ayaa Sheegayay in labadaas Mudane ay Weli ku Sugan Yihiin Magaalada Laascaanood .

Sida laga Warqabo Sharciga Somaliland ayaa dhigaya in qofkii Muwaadin ah ee qaata Mabda ka duwan Jiritaanka Qaranimada Somaliland inaanu iman karin Gobolada Somaliland Mana Cada Sababta Wasiirka ku dhalisay inuu Go;aankaas qaato.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com