Istanbul:16-Jan-2014 (SDN)-Maanta Oo Khamiis ah waxa Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga ka Furmaya Wadahadaladii u dhexeeyey Somalia iyo Somaliland.
Shirkan oo muddo soo Jiitamayey, isla-markaana Dib udhacay Dhawr jeer, ayaan Si dhab ah loo ogayn waxyaabaha dhabta ah ee Diirrada lagu saari doono.
Idaacadda Afka Dawladda Somaliland ku hadasha ee Radio Hargeysa, ayaa habeenkii xaley sheegay in mowqifka Somaliland uu cad yahay, maadama maalmahan tababbarro lagu siinayay magaalada Addis Ababa si ay guulo uga keenaan shirka ka furmaya Istanbul.
Dhinaca kale, wariye BBC-da ka tirsan oo ku sugan Istanbul, ayaa sheegay in shirka ka furmaya Istanbul in looga hadli doono siddii loo sii wadi lahaa qoddobo ay horre u gaadheen labada dhinac oo kulamada Dambe loo Ballansanaa.
Somaliland ayaa tan iyo markii ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-dii waxa ay raadineysaa ictiraaf caalami ah, balse arrintaas weli waa ay la’dahay.
Labada dhinac ayaa markii ugu horreysay kulan fool-ka fool ugu kulmay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska sannadkii 2012-ka.
Qoddobka ugu horreeya ee Shirkan laga hadli doono ayaa u badan inuu Noqdo inay Somaliland si Toos ah miiska u keento Go’itaankeeda la xidhiidha Dhinaca Somaliya, iyadoo Somaliya-na ay Arrintaas ka Gows Adaygi doonto, isla-markaana ay muuqato inaanay Labada dhinac arrintaas wax tanaasul ah ka muujin doonin.
Waxaa la hubaa in qoddobkaas uu noqon doono mid waqti badan qaata oo muran ka dhex dhaliya labada dhinac.
Heshiishyada ay gaadheen waxaa ka mid ah in labada dhinac ay si wadajir ah u maamulaan hawada Soomaaliya, maadama ay ku soo wareejisay QM waxaana laga maamuli doonaa Magaalada Hargeysa.
Wafdiga dowladda ee uga qaybgalaya shirka Istanbul,waxaa hoggaaminaya sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hoggaaminayay shirkii horre.
Waxaana la lee yahay waxaa laga yaabaa in uu sii hayo xilkaas, ama ugu yaraan la kala qaado wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha, marka la magacaabo xubnaha cusub ee wasiiradda xukuumadda, waxaa kaloo la socda xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.
Dhinaca Somaliland, waxaa wafdiga ka socda hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis,oo ah nin QM muddo dheer la soo shaqeeyay, waana markii ugu horreysay oo uu shirkan ka qaybgalo shirkan waxaa kaloo ku weleheliya wasiiro iyo xubno ka socda golaha wakiilada.
Somaliland, waxa ay diidday in shirka ay ka qaybgaliso kooxaha mucaaradka, waxaana ay sheegtay inay Xukuumaddu Kaligeed u igman tahay arrintaas.
S.D.N
