Ku xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Xildhibaan C/casiis Maxamed Xaashi (C/casiis Cagawayne) Ayaa Safarkii shaqo ee Ugu Baqoolay Waddanka UK Iyo Martiqaadkii uu Ka Helay Mayor’ka Bristol Ayaa Shacabka Somaliland guud ahaan Gaar ahaana Caasimada Hargeysa Uu Guul Taariikhi ah uu Uga Soo hooyay Mayer ku Xigeenka Caasimada Hargeysa.
Midhaha laga gurtay iyo Faa’iidooyinka Laga gaadhay Socdaalka Uu Xildhibaan C/casiis Maxamed Xaashi (C/casiis Cagawayne) ku Tagay UK Ayaa wadxaa Xusisd mudan Inuu Maca iyo Karaamo wayn Kaga Mutaystay Shacabka Ku dhaqan Magaalada Hargeysa.
Ku xigeenka Mayorka Caasimada Somaliland Ee Hargeysa ayaa Waxaa uu Seeska u dhigay Rukumadana u taagay Isfaham iyo Xidhiidh wada shaqayn Toos ah Oo dhexmara Magaalooyinka Waawayn Ee Waddan UK, Iyo Magaalooyinka Somaliland si Wax looga Qabto layskagasna Kaashado, Baahiyaha Aasaasiga ah Ee Arimaha Bulshada Sida Amaanka, Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Hagaajinta bilicda iyo Dhisida Wadooyinka.
Waxaana uu Kulamo la yeeshay Masuuliyiin kala duwan Oo Isugu Jira Mayaro, Xildhibaano Gole deegaan, Xubno kamid ah Baarlamaanka,Professoro jaamacaded, iyo Jaaliyada Reer Somaliland Ee Wadanka UK Kuwaasoo Uu Kala Hadlay Si Mug lehna ugu sheegay Waxaa ay Maanta u Baahan yihiin Magaalooyinka Somaliland Ee ka dhiman Gaar ahaan Kor u qaadida Meeqaanka iyo Milgaha ay Yeelan Karaan Caasimadaha iyo gol Dhinac kasta.
Mayor’ku xigeenka Caasimada Hargeysa Waxaa Ka Muuqata Marka la Eego Dadaalkiisa Shaqo Ee ay Ku dheehan tahay Kartida Daacadnimada, iyo Aqoonta Inuu Durba Qaaday Tallaabooyin lagu qaboobay Oo Isla markaana Indhaha Shacabku ay Arkaan, Tasoo ah Waajibaad ka Saraan Bulshada Soo dooratay Caam ahaan Oo Balan qaadkiisii ahaa Inuu Wax wayn qaban doonana Kaga dhabeeyay.
Waxaa lagu Xasuustan Doonaa Mayor,ku xigeenku Talaabadii Geesiniimada ahayd Ee uu Dhulka balaadhan Ee Guryaha Looga dhisayay uu ugu Deeqay Barakaca yaasha Diifta iyo Hoyla’aanyu ay Ku Haleeshay Degmada M mooge Ee mudada dheer daganaa Kaamamka, Dhismaha Wadooyinka Caasimada, Sariibadaha Kala duwan Ururinta iyo Soo xaraynta Cashuuraha Adkaynta Nabad gelyada Degmooyinka ay Caasimada Ka kooban tahay iyo Arimo kale Oo aan La tiring karaynin.
Isaga Oo geesta Kale Sumacad iyo Karaamo usoo Jiiday Magaca iyo Muuqaalka Laga dheehan karo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Kaga dayda Maamul wanaaga iyo Dhawrida Hantida Ummada.
Mayor ku xigeenka Hargeysa Xildhibaan C/casiis Maxamed Xaashi (C/casiis Cagawayne) Ka sokow Wax qabadkiisa u Muuqda Sida Cadceeda iyo Dadaalkiisa aan Joogsiga lahayn Ee u Adeegidsa Bulshada Waxaa uu Ku Sifoobay Shaqsiyan Qof daacad ah Oo Neceb Musuqa iyo ku xad gudubka Xuquuqda aadamaha Isaga Oo laab xaadhan iyo Waji furan Ku qaabila Guud ahaan Bulshada qaybaheeda Kala Duwan Iskuna xidha Oo Dhamaanba Golaha Deegaanka.
Si Kastaba Ha Ahaatee Ku Xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa (C/casiis Cagawayne) waxaa inbadan Loo aayi Doona Laguna Tamarin doonaa Talaabooyinka Wax tarka leh Ee Maalinba maalinta Ka danbaysa uu Ku Horimarinaayo Caasimada Hargeysa iyadoo Taasi Hadda Timi Waqtigii Loo baahnaa iyo Ruuxii Loo baahnaa Ee Bulshada Wax wayn kusoo Kordhin lahaa.
Waxaana Hubaal ah (C/casiis Cagawayne) Dadaalkiisa iyo Waxqabadkiisa Inuu Hadda uun Bilaw yahay Oo aanay Fari Ka qodnay Intan uu Xilka hayayna aanay Ku koobnaan Doonin Balse uu Noqon doono Dadaalkiisu Mid aan Caajis iyo hakad Lahayn Oo ay Dadwaynuhu Marwalba Ku intifaacaan.
FAALO/ Qalinka:
Mawliid Maxamed Siciid.
Contacts:
Mawliidmarshal@gmail.com
