Stanbul Jan 16,2014(SDN)-Waxa maanta dalka Turkiga ka furmaya wadahadalo ujjeedadooda aan la garan ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.
Wadahadalada oo ah kuwii shanaad ee labada dhan yeeshaan ayaan ilaa haatan wax natiijo ah oo labada dhan ku qanacsan yihiin oo ka soo baxay aaney jirin.
Wadahadalada ayaa ku soo beegmaya tiyoo labada dhan ee ay u dhexeeyaanba ay ka jiraan duruufo ka muhiimsan wadahadalkooda.
Somaliland ayaa waxa ka jira doodo hogaamineed oo mideeyay mucaaridka xukuumada Axmed Siilaanyo.
Doodahaa waxa ka mida in wadahadalada ay Soomaaliyakula jirto in ay yihiin qaar aaney umaddu in badan kala socon oo xukuumadu isku koobtay.
Halka Muqdisho aaney xukuumad wadahadalada ka qeybgashaahiba ka jirin oo ay soo dirsadeen wasiiiro kalsoonidii lagala noqday.
Intaa waxa dheer in labada dhanba aaney jirin wax ajenda ah oo ay isla horfariisanayaan.
Sida labada dhanba ay saxaafada u sheegeena waxa la isla qaadan doonaa qodobada kolka shirku maanta furmo.
si kastaba ha ahaatee shicibka labada dhan ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa wadahadaladan ka qaaday jaha wareer siyaasadeed oo caqad ku noqon kara wadahadal labada dhan ay leelan lahaayeen xili ay jiraan xukuumado kuwan dhaama.
SDN-Stanbul
contact@somalidiasporanews.com
