Uncategorized

Isku Dhicii Booliska iyo Dadweynaha Suuq Yaraha Jaamac Gunti ee Hargaysa oo ay Ku dhaawacmeen Afar Qof

Hargaysa 16.Jan 2014 (SDN)- Cagafyada Dawlada hoose ee Caasimada Hargaysa ayaa saaka subax ku Waabariistay iyagoo kaashanaya ciidamada gaarka u ah dawlada  Hoose Suuqa Jaamac Gunti  oo ku yaala Xaafada Xero-Awr eeMagaalada Hargaysa.

3-150x150Hawl-galka suuqaasi ee saaka ayaa sababay iska hor-imaad dhex maray ciidamada bileyska iyo dadka ganacsatada ah ee suuqaasi ku sugnaa

Wararka aanu ka helayno suuqaasi ayaa sheegaya in ciidamadu rasaas nool u adeegsadeen dadkaasi waxaana halkaasi ku dhaawacmay afar qof oo dumara sida dad goob joogaal ahi noo Xaqiijiyeen.

Hawl-galkan ayaa yimi ka dib markii dhawaan suuqaasi laga raray dadkii ku ganacsan  jiray isla markaan ay qaar ka mid ah ganacsatadaasi  dib ugu soo noqdeen goobihii ay hore  ugu ganacsan  jireen ee gudaha suuqaasi ku yaalay  .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com