Uncategorized

“Run ahaan Khasaaraha Meesha ka dhacay Waa Dhaawaca Sadex Qof ” Maayarka Degmada Saylac

Sheekh Awaare 16.Jan 2014 (SDN)- Saddex qof ayaa ku dhaawacantay dagaal maanta dad xoolo dhaqato ah ku dhex maray deegaanka Sheekh Awaare oo ka tirsan degmada Seylac ee gobolka Salal.

Maayarka-SaylacGuddoomiyaha degmada Seylac Xuseen Iidle Barkhadle ayaa  sheegay inay wadaan dadaallo ay ciidan ugu dirayaan deegaanka lagu dagaallamay, ayna qorsheynayaan waan-waan la dhex dhigo labada dhinac “Run ahaan Khasaaraha Meesha ka dhacay Waa Dhaawaca Sadex Qof Maamul ahaan waxaanu u Tabaabushaysanay Sidii aanu Wada Hadal ugu dhamayn lahayn dhibka maanta dhacay mana aha Mid loo baahan yahay” ayuu Yidhi Maayarka Saylac

Wuxuu tilmaamay inay wadaan dadaallo looga hortagayo in uu dagaalku sii socdo oo uu sababo dhibaato hor leh.

Guddoomiyaha ayaa u soo jeediyay odoyaasha deegaanka inay gacan ka geystaan  joojinta colaadda, ayna ka shaqeeyaan nabadda gobolka.

Sheekh Awaare SDN.

Qurbejoog.com