Boosaaso 16.Jan 2014 (SDN)- Ciidanka badda ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgal ay ka fuliyeen xeebaha deegaannada Baargaal iyo Murco ee gobolka Bari waxay ku soo qabteen afar doon oo laga leeyahay dalka Yemen oo la sheegay inay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka howlgalka sameeyay oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Cali Burci ayaa tilmaamay in dadkii saarnaa afarta doon oo uusan tiradooda sheegin ay ku xireen degmada Caluula ee goblka Bari.
Wuxuu xusay inay ka baxsadeen doonyo kale oo laga leeyahay dalka Iran.
Maxamed Saciid ayaa sheegay in ciidanka badda ee Puntland ay dardargelin doonaan dagaalka ay kula jiraan shisheeyaha sida sharci-darrada uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.
Bosaaso SDN.
Qurbejoog.com
