Istanbul 16.Jan 2014 (SDN)- Maanta waxa ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga wahadalladii u dhexeeyay dowladdaha Somaliland iyo Somaliya kuwaasoo socon doona labada maalmood ee soo socota.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay inay Xukuumad ahaan Mar Walba soo dhawaynayaan Amboqaadka Wada Hadalada Waxaanu Sheegay in aanay Waxba ka Hirgalin Qodobadii hore loogu Heshiiyay ee labada Ergo isla meel dhigeen taas oo wasiirku hirgelin la’aanteeda ku eedeeyey dawladda soomaaliya.
qaybtii hore ee wadahadalada maanta ayaa la iskula ogolaaday in la saaro guddi labada dhinac ka kooban oo diyaarinaysay ajandayaasha wadahadaladan lagu gorfayn doono.
Sida la ogyahay wadahadalada labada wadan u dhexeeyey ee ay martigelinayeen beesha caalamku ayaa afar jeer oo hore la isugu yimid, iyadoo badhtamihii sanadkii tegay wadahadalo ka dhacay dalka turkiga oo ay ka qayb galeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia lagu kala saxiixday heshiis sided qodob ahaa
Xukuumadda Somaliland ayaa in badan ku celcelisay in wadahadaladan ay uga qayb gelayso sidii ay ula garnaqsan lahayd beesha caalamka isla markaana uga heli lahayd aqoonsi buuxa.
Sidoo Kale Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somalia C/Karin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa Sheegay inay Soo dhawaynayaan Wada hadalkan Waxaanu Xusay in Arrinta Somaliland iyo Somalia ay tahay Mid aan lagaga Gayoon karin Hal Maalin Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay Haboon tahay Sidii dib loogu eegi lahaa Waxyaabihii aan fulin ee Wada hadaladii Hore.

Istanbul SDN.
Qurbejoog.com
