Hargeysa:18-Jan-2014(SDN)-Waxaa Daqiiqado ka hor Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka Dhoofay Wafti ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaas uu u sida la sheegay u jihaysan Dalka Faransiiska oo ay casuumad ka Heleen.
Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigiisan ayaa bixitaankooda si aad ah looga Hadal hayey guud ahaan Somaliland, iyadoo xalay uu madaxweyne Siilaanyo Magacaabay Koox ka kooban mucaaridkiisii hore ee udub oo Haatan uu Badhasaabo ku Taxay.
Bixitaanka Madaxweynaha ayaan wax badan laga Ogayn, waxase la sheegayaa inuu helay casuumad rasmi ah, waxana la filayaa inay Halkaas kulamo kala duwan Madaxweynaha iyo Waftigiisu kula qaadan doonaan madaxda dalka Faransiiska.
Bixitaanka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo Beegmaya xilli xaaladda Guud ee Dalku meel adag marayso oo shacabkii ay ku timi kala furfurasho iyo kala Qobqobnaan uu maamulkiisu ka Masuul yahay.
Sidoo kale waxa Haatan dhibaato ballaadhani ka dhex taagan tahay xisbiga Hoggaanka Dalka Haya ee Kulmiye oo Khilaaf ragaadiyey Horumarkiisu muddo dhex maaxanayey.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu Arrinta Xisbigiisa u waayey Xal waara oo lagaga baxo is qabqasiga iyo muranka soo noqnoqday, waxana uu laba Maalmood ka Hor magacaabay Guddi uu ku sheegay inay Meesha ka Saaraan Wixii Turbaan ah ay Meesha ka Saaraan, balse taasi ma daweynayso dhibaatada xisbiga dhexdiisa ka Jira, maadaama Milil Dushiisa la dhayayo.
S.D.N
