Uncategorized

Wadahaladii Turkiga Oo Maalintoodii Saddexaad Galay, Labada Dhinac Oo Sii Kala Fogaanaya iyo Shacabka Reer Somaliland Oo Quus Ka Taagan Kulamada Somalia

Stanbul:18-Jan-2014(SDN)-Waxa wali  maalintii sedaxaad ka soconaya Magalada Istanbuul Dalka Turkiga wada xaajoodkii u dhaxeeyay Somaliland Soomaaliya kaas oo ilaa iyo hada qaar ka mid ah ajandayaashii looga doodayay  shirkaa la isku mari la,yahay.

wufuud-somaliland-iyo-somaliyaShacabka reer Somaliland, ayaan iyagu Rajo fiican ka qabin Natiijo ka soo baxda Wadahadaladdan u dhexeeya somaliya, maadaama ugu yaraan Afar jeer oo hore la keeni waayey waxa lagu qanco karo oo Natiijo ah.

Wadahadalladan oo  marar hore ka soo qabsoomay Dalalka Ingiriiska, Imaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa kaliya ku soo dhamaaday Natiijo isku mid ah oo ah in mar dambe la isku soo Noqdo.

Shacabka ayaa si weyn uga niyadjabsan  wadahaddalada kaliya u muuqda in la isku yimaado oo la murmo kadibna la iska kala tago, iyadoo aan umadihii laga yimi lagu soo celin wax natiijo ah.

Haatan oo shirkani galay maalintiisii saddexaad, ayaa wararka halkaas ka imanayaa sheegayaan inaanay Haba Yaraatee Labada dhinac wax Tasnaasul ah isku samaynin oo ay arrintu marayso midi Middi ku taag, taas oo waddanka Turkiga oo dhexdhexaadnimo wadaana uu aad uga Niyad xun yahay Hannaanka wax u socdaan.

Waxa ay Shacabka reer Somaliland uga fadhiyaa xukuumaddooda  faraha la Gashay wadahadaladan Gacmo daaliska ah inay ama ka baxdo ama ka Keento Natiijo dhaafsiisan inaan wixii lagu heshiiyeyna la fulinin mar kalena la isku soo Noqdo.

Shirkan ayaa la Filayaa inuu Maanta soo Dhamaado, balse ma muuqato wax natiijo ah ka soo bixi kartaa, waxana la sheegayaa inay Somaliland doorkan badka soo Bandhigtay Qoddobka ugu adag ee ah Gooni isu taageeda, kaas oo ay somaliya-na Gaashaanka u daruurtay.

Isku soo Wada Duub oo wadahadaladdan, ayaan wali laga fili karin inay labada dhinac wax guul ah u horseedi karaan, waxana marba marka ka sii dambaysa Meesha ka sii baxaya xiisaha iyo rabitaanka ay Labada shacab u hayaan kulamadan, maadaama illaa iyo Hadda oo in badan la kulmay aan hal qodob oo Natiijo ahi soo Bixin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com