Uncategorized

Mayor’ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Ayaa Beeniyay Isla markaana Waxba Kama jiraan Ku tilmaamay War sheegaaya Inuu Khilaaf Soo kala Dhex galay Isaga iyo Mayor’ka

Hargeysa Jan 18,2014(SDN)– Ku xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Md Casiis Maxamed Xaashi (C/Casiis Cagawayne) Ayaa Waxba Kama jiraan iyo Ku tidhi ku teen Ku Tilmaamay War Lagu Baahiyay Wargeysa Foore,  Kaasoo Tilaamay Inay Is khilaafsan yihiin Isaga Iyo Mayorka Caasimada Hargeysa Md C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Isaga Oo Mayor Ku Xigeenku u Waramay Wakaalada Wararka Ee Solna Ayaa Waxaa Uu Sheegay Haba yaraatee Inaanay Jirin Wax khilaaf ah Oo  u Dhaxeeyay Isaga Iyo Mayor’ka .

Waxaanu Intaa Raaciyay Ku Xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Md Casiis Maxamed Xaashi Cagawayne Isaga iyo Mayorku Inay yihiin Walaalo Si wanaagsan u Wada shaqeeya Xidhiidh Fiicana leh.

Hadii uu Jiro Wax Khilaaf ah Oo soo kala Dhex galaana aanay Qarsoomi karaynin Oo Hore loo arki  Lahaa, Waxaana Uu kula taliyay Inay warbaahintu Qaarkood inay  Iska Hubiyaan Wax yaalaha ay Ummada u sheegayaan Isla markaana aanay baahin Wax aanay Hubinin amaba aanay Xigteeda Si Rasmi ah u Haynay Oo mala awaal ah.

Mawliid Maxamed Siciid.
SOLNA AGENCY REPORTER.