Nairobi Jan 18,2014(SDN)-Orodyahanka Mo Faarax ee caanka ah ayaa bilaabay diyaargarowga ciyaaraha Olympiga ee London lagu qabanayo Bisha April ee sanadkan.
Mo Faarax ayaa haatan gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu degaanadeeda Buuraleyda ah ka bilaabayo diyaargarowga orodka dheer.
Degaanka Rift Valley ee ay xerada tababrku ku taal ayaa ku taal buur 2400m dhulka ka sareysa oo uu tababare ka yahay Lornah Kiplagat oo ah Orodyahan caan ah.
Mo Faarax ayaa sanadkan waxa uu markii u horeysay ka qeybgalaya tartanka Orodka dheer oo ay is wejihi doonaan Wilson Kipsang.
Si kastaba ha ahaatee diyaargaroowgan uu haatan galay Mo Faarax waxa uu socon doonaa mudo afar todobaad ah.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com
