Hargaysa 18.Jan 2014 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Kumishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Md Xasan Cumar Hoorri ahna ku simaha gudoomiyaha Kumishinkaasi ayaa maanta hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ka furay kulan hawleed lagu soo bandhigayo daraasadda sahaminta aragtida Bulshada ee musuqmaasuqa.
Kulan hawleedkaas oo ay ka qayb qaadanayeen mas’uuliyiin ka kala socday golayaasha Qaranka, hantidhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in kulan hawleedkani yahay mid lagu soo bandhigayo daraasad si cilmiyaysan looga soo sameeyey aragtida bulshadeenu ka qabto musuqmaasuqa. Daraasadaas oo laga soo ururiyey dad ku dhow sideed boqol oo qof oo ku kala nool gobolada JSL.
Md Xasan Cumar Hoorri waxa uu sheegay in kumishinka la dagaalanka musuqmaasuqa oo lagu dhisay balanqaadkii xisbigii Kulmiye oo kaashanaya khubaro caalami ah xeel-dheerayaal qurbojoog ah iyo aqoonyahano dalka ku sugan ay cilmi baadhis ku sameeyeen aragtida bulshada ee musuqa. Daraasadaasna ujeedadeedu ahayd in xog lagu soo ururiyo ka dibna loo waajaho sidii wax looga qaban lahaa.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in dhamaystir la’aanta xeerarkii ka hortagga musuqmaasuqu ay dhiirrigelisay in musuqu wiiqo horumarkii dalku ku talaabsan lahaa, xiligana lagu gudo jiro sidii arintaa wax ka qabashadeeda talaabo looga qaadi lahaa iyadoo laga duulayo siyaasadda ku dhisan maamul wanaaga iyo adeega hufan ee uu hormuudka inoogu yahay Madaxweynaha JSL MdAxmed maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
