Caynaba 18.Jan 2018 (SDN)- Waftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Waracade ayaa Maanta Kulan kula Qaatay Magaalada Caynabo Beeshii Gaysatay Falkii Dilka ahaa ee Horaantii Sannadkii Hore lagula Kacay Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar.
Kulankaasi ayaa Lagu Dhaariyay Cuqaal iyo Waxgaradka uu ka soo Jeedo Gacan ku Dhiiglihii dilka Gaystay Waxaanay Balanqaadeen in Mudo 45 Cisho Gudahood ah ay ku Bixin doonaan Magtii Marxuunka la dilay.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Waracade oo Madashaasi ka Hadlay ayaa Sheegay in Xukuumadu aanay u dul qaadan doonin Cid kasta oo Waxyeelanaysa Nabadgalyada uu Qarankani ku Naaloonayo Waxaanu ku Booriyay Cuqaasha iyo Waxgaradka uu Kulanka la Qaatay inay Oofiyaan Wacadkaas iyo Balantaas ay qaadeen.
Geesta Kale Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Galabta Gaadhay Magaalada Laascaanood halkaas oo ay ku Soo Dhaweeyeen Madaxda Heer Gobol iyo Mid Degmo.
Caynaba SDN.
Qurbejoog.com
