Uncategorized

Dawlada Turkiga oo Hanjabaad Adag u Dirtay Nidarna ku Gashay inay la Dagaalami doonto Kooxo Soomaalia ah

Ankara 18.Jan 2014 (SDN)- Wasarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa sheegtay war saxaafaded ay soo saartay in Turkiga uu sii wadi doono dadaalada uu ku garab taagan yahay beesha calamka si loola dagaalamo kooxda burcad badeeda Somalia.

NWarsaxafadedka ayaa lagu sheegay sidoo kale in Turkiga kala qeyb qaadanayo beesha caalamka iskaashi dhanka amniga iyo horu marinta Somalia si loo xoojiyo in laga taqaluso burcad badeeda.

War saxafadedka kasoo baxay wasarada arimaha dibada dalka Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in barlamaanka dalkasi uu meel mariyey waqti kordhin loo sameeyo ciidamada bada Turkiga ee ku sugan xeebaha Somalia waxana la gaarsiyey ilaa bisha Febraayo sanada 2015-ka.

Wasarada ayaa carabka ku adkeesay in dhibatada burcad badeeda ay sameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqi maraakibta ganacsi ee ku socdaali jiray xeebaha Somalia.

Turkiga waxa uu kamid yahay wadamada ay ciidamada kaga sugan yihiin biyaha Somalia kuwaasi oo dagaal kula jira burcad badeeda.

Ankara SDN.

Qurbejoog.com