Uncategorized

Madaxweyne Ku Xigeenka oo Xadhiga ka Jaray Dhisme loo Sameeyay Wasaarada Arrimaha Dibada

Hargaysa 18.Jan 2014 (SDN)-Madaxweyne ku xigeenka jsl ahna ku Simaha Madaxweynaha   Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil [saylici] ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub  oo loo dhisay wasaarada  arimha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah.

dhismahaXafladasi oo ka dhacday xarunta wasaaradaasi ayaa waxa kasoo qeyb galay wasiiro ka tirsan  xukuumada ,Waxaana Madaxweyne Ku Xigeenka Halkaasi ku Soo Dhaweeyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Cali Cabdi Saa’iq, xildhibaano iyo marti sharf kale waxaana halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada md maxamed xasan siciid oo sheegay in dhismahani uu yahay dhisme kooban oo loogu talo  galay in si ku meel gaadh ah wasaaradu ugu sii shaqayso basle dhismaha balaadhan dhawaan la bilaabi doono waxaanu u mahad celiyay marti sharaftii kasoo qeyb  gashay xaflada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada dibada md mawliid maxamed ibraahim oo ka hadlay hallkaasi ayaa sheegay  in dhismahu ka kooban yahay lix iyo toban  qol   kuwaas oo ay kusii shaqyn doonto wasaaradu  islamrkaa ay hada usoo wareegi doonaan  waxaanu intaa ku daray marka la damayas tiro dhismaha weyn in ay soo wareegi doonaa hayadaha hoos yimaada wasaarad.

Madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxamaa cabdilaahi ismaaciil  saylici oo ka hadlay halkaas ayaa sheegay in uu u mahad celinayo hayadaha fuliyay dhismaha  xafiisyadaasin  ay ku shaqayn doonto wasarada arimaha dibadu  waxaanu intaa ku daray in dhismahani uu ka mid yahay waxqabadka dhinaca horumarinta  ee xukuumadu ay fulisay   mudadii ay jirtay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com