Uncategorized

Ka Daawo Qurbejoog.com Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Booqday Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Ganbadha

Ganbadha 19.Jan 2014 (SDN)- Weftigii Nabadeynta u joogay goboladda Barri ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde  ayaa saaka Booqday fadhiisimadda ciidammadda Qaranka ee jiida Gambadha oo soddameeye Km dhinaca Bari kaga beegan  Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Weftiga Wasiirka oo ay xubno ka yihiin Wasiirul dawleyaasha Waxbarashadda, Maaliyadda, Taliyaha Booliiska iyo Masuuliyiin kale  ayaa waxay warbixin ka dhegaysteen saraakiisha ciidammadda qaranka ee Jiida Gambadhaa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde  ayaa hadal guubaabo ah oo uu u jeediyay ciidammadda qaranka waxa uu ku bogaadiyay hawsha naf hurka ah ee ay u hayaan dalkooda waxaanu u soo jeediyay inay fiiro dheer iyo indho adag ku eegaan cadowga Somaliland, isla markaana ay u adeegaan shacbigooda.

vlcsnap-2014-01-19-16h27m05s95 vlcsnap-2014-01-19-16h27m05s95 vlcsnap-2014-01-19-16h27m07s114 vlcsnap-2014-01-19-16h27m09s138 vlcsnap-2014-01-19-16h27m21s0 vlcsnap-2014-01-19-16h27m25s38

Ganbadha SDN.

Qurbejoog.com