Uncategorized

“waa qodobo gogol-xaadh u noqon doona yoolka wada hadalkan oo ah in aan beesha caalamka ku qancino xaqa iyo xuquuqda ka maqan dalkeena” wasiir xirsi cali xaaji cali

Stanbul:20-Jan-2014(SDN)-Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Cali, ayaa markii ugu horraysay  dibadda u soo saaray Aragtidiisa ku aaddan Natiijada ka sooo baxday Wada-hadalladii somaliland iyo somalia ugu soo Gebogeboobay dalka Turkiga.

xirsi girWasiir xirsi oo inta badan lagu yaqaano inuu Dareenada gaarka u ah ku soo bandhigo Bogga  uu Bulshada kula Xidhiidho ee Face-book-ga loo yaqaano, ayaa qoraalkiisa ku tilmaamay inay Qoddobaddani Gogol-xaadh u noqon doonaan in mustaqbalka Somaliland hesho waxa ka Maqan.

Qoraalka uu Wasiir xirsi ku muujiyey Dareenka uu ka Leeyahay qoddobada soo baxay, ayaa u dhignaa Sidatan:

“wada hadal mudo socday kadib, waxaan halkan idinkula wadaagaya qodobadii kasoo baxay kulankii ay marti gelisay dawlada turkey-gu, waa qodobo gogol xaadh u noqon doona yoolka wada hadalkan oo ah in aan beesha caalamka ku qancino xaqa iyo xuquuqda ka maqan dalkeena Somaliland:

1- In labada dhinac sii waddaan wada hadalada noocan ah, isla markaana la fuliyo qodoboadii kuwii hore lagu heshiiyey,

2- Labada Dhinacba waxay gelayaan Wada-hadalada iyaga oo ay ka go’antahay in ay xaliyaan arimaha u baahan xalka si loo helo natiijo labada dhanba qancisa,

3- Labada dhinacba waxay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiisyada kale

4- Labada dhinacba waxay si dhamaystiran u fududaynayaan si wada jir ahna u qeexayaan meelaha la iska kaashanayo kuwaas oo ku qotoma baayihaha labada dhinac

5-Labada dhinac ba waxaa si dhaba uuga go’an xal u helida farqiyada iyada oo loo marayo hab ku salaysan nabad-gelyo iyo oo wada hadal

6- Labad dhinac waxay ku isla garteen in Dawlada Turkey-gu xog joogta ah siiso beesha Caalamka

7- Iyada oo la tixraacayo wada-hadalkii labad dhinac ku dhex maray Istanbul, Turkey 7-9/Jul 2013 labada dhinac waxay isla garteen in mudo 45 cisho ah ku dhisaan gudiga maamulka socdaalka hawada “Air Traffic Control Board”

8- Labada dhinac waxay isla meel dhigeen in ay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “ Laba xubnood dhinac walba” labada gudi Farsamo-na waxaa kormeeraya labada wasiir ee u xil saaran.

9- Waxaan wadaagnaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomalida ah u geysteen nidaamkii keli taliskii Milatarigu, gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland,

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com