Stanbul:20-Jan-2014(SDN)-Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Cali, ayaa markii ugu horraysay dibadda u soo saaray Aragtidiisa ku aaddan Natiijada ka sooo baxday Wada-hadalladii somaliland iyo somalia ugu soo Gebogeboobay dalka Turkiga.
Wasiir xirsi oo inta badan lagu yaqaano inuu Dareenada gaarka u ah ku soo bandhigo Bogga uu Bulshada kula Xidhiidho ee Face-book-ga loo yaqaano, ayaa qoraalkiisa ku tilmaamay inay Qoddobaddani Gogol-xaadh u noqon doonaan in mustaqbalka Somaliland hesho waxa ka Maqan.
Qoraalka uu Wasiir xirsi ku muujiyey Dareenka uu ka Leeyahay qoddobada soo baxay, ayaa u dhignaa Sidatan:
“wada hadal mudo socday kadib, waxaan halkan idinkula wadaagaya qodobadii kasoo baxay kulankii ay marti gelisay dawlada turkey-gu, waa qodobo gogol xaadh u noqon doona yoolka wada hadalkan oo ah in aan beesha caalamka ku qancino xaqa iyo xuquuqda ka maqan dalkeena Somaliland:
1- In labada dhinac sii waddaan wada hadalada noocan ah, isla markaana la fuliyo qodoboadii kuwii hore lagu heshiiyey,
2- Labada Dhinacba waxay gelayaan Wada-hadalada iyaga oo ay ka go’antahay in ay xaliyaan arimaha u baahan xalka si loo helo natiijo labada dhanba qancisa,
3- Labada dhinacba waxay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiisyada kale
4- Labada dhinacba waxay si dhamaystiran u fududaynayaan si wada jir ahna u qeexayaan meelaha la iska kaashanayo kuwaas oo ku qotoma baayihaha labada dhinac
5-Labada dhinac ba waxaa si dhaba uuga go’an xal u helida farqiyada iyada oo loo marayo hab ku salaysan nabad-gelyo iyo oo wada hadal
6- Labad dhinac waxay ku isla garteen in Dawlada Turkey-gu xog joogta ah siiso beesha Caalamka
7- Iyada oo la tixraacayo wada-hadalkii labad dhinac ku dhex maray Istanbul, Turkey 7-9/Jul 2013 labada dhinac waxay isla garteen in mudo 45 cisho ah ku dhisaan gudiga maamulka socdaalka hawada “Air Traffic Control Board”
8- Labada dhinac waxay isla meel dhigeen in ay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “ Laba xubnood dhinac walba” labada gudi Farsamo-na waxaa kormeeraya labada wasiir ee u xil saaran.
9- Waxaan wadaagnaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomalida ah u geysteen nidaamkii keli taliskii Milatarigu, gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland,
S.D.N
