Nairobi:20-Jan-2014(SDN)-Waxa Xalay Dhaqdhaqaaqyadii ugu ballaadhnaa in muddo ah Xaafadda Somalidu Degto ee Islii ka Sameeyey Ciidanka Ammaanka Ee Dalkaasi.
Ciidamada oo si weyn u qalabaysan, isla-markaana wata Gaadiidka kala duwan ee ay ku hawlgalaan ayaa fiidkii hore ee Xalay ku dhaqaaqay xaafadda Islii, waxana ay isku Ballaadhiyeen waddooyinka kala duwan ee Xaafaddaas soo gala.
Hawlgalladaas ciidamadu sameeyeen ayaa si gaar ah loogu beegsanayey Huteeladda ku yaalla halkaas, waxana iyadoo si weyn loo Gelalefay Hutelo uu ka mid yahay Hutelka Hotel Granroyal oo lagu magacaabo Seacen Avenue, waxaana Halkaas laga qabqabtay dad halkaas deggenaa.
Sidoo kale waxa ay ciidanku si weyn u baadhayeen dadka saaran gaadiidka waddooyinka maraya, iyadoo ay cabis aad u ballaadhani soo foodsaartay dadka shacabka ah ee Meelahaas ku sugnaa.
Ciidamada amaanka Kenya ayaa isku fidiyay afafka hore ee 7 Streat ilaa 12 Streat, waxaana la sheegay in dad aad u badan ay halkaas ka kaxaysteen oo jeelasha geeyeen.
Howlgalkan ayaa ka Dambeeyey warar kala duwan oo ay warbaahinta dalkaasi ku sheegaysay in Xaafadda somalida iyo Hutelada ay Nairobi ku leeyihiin Hoy u noqdeen Kooxaha Al shabaab oo haatan faro baas ku haya Dalkaasi.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
