Nairobi:20-Jan-2014(SDN)-Dadka Somalida ah ayaa Sanadkan War Fiican oo la Xidhiidha Dhinaca Cuntada ka Helay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee loo Yaqaano FAO.
Afhayeen u Hadlay Hay’addan oo u warramay Wakaaladda wararka Shiinaha Xinhua, ayaa sheegay inay Sanadkan ku dhawaad 120 milyan oo doolar ay ku bixin doonto dalka Soomaaliya si loo hormariyo amaanka cuntada ee dalka oo in badan laga Dayriyey.
Luca Alinovi, oo ah masuul ka tirsan hayada beeraha oo la hadlay wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegay in dhaqaalahaasi ay ku bixin doonaan taageerada xoolaha, kaluumaysiga iyo beeraha dalka Soomaaliya oo muddo badan aan helin wax caawimo ah.
“Waxaan dooneynaa inaan hubino in Soomaaliya lacagtaasi ku taageerno Somalia, sababtoo ah waxay ka difaaceysaa inay abaartii dib usoolaabato”ayuu yidhi Mr Alinovi.
Wuxuu dhanka kale sheegay inay wax badan ka taageeri doonaan ummada Soomaaliyeed oo uu sheegay inay leeyihiin xoolaha ugu badan wadamada bariga qaarada Africa.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay doonayaan inay ka taageeraan dadka xoolo qalatada ah inay u dhisaan gobo carsi ah oo lagu qalo xoolaha, si loo helo suuq xoolaha lagu qalo oo la jaan qaadaya midka caalamka.
Agaasimaha dicaafa deegaanka iyo yareynta faqriga ee hayada UNDP Somalia Jonathan Brooks, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya muhiim ay tahay in laga taageero horumarinta xoolaha.
Warkan ka soo baxay Hay’adda cuntada Adduunka ayaa si weyn u farxad geliyey guud ahaanba dadka somalida ah, waxana haatan dadku is weydiinayaan xilliga la siin doono lacagahaas iyo Hannaanka loo qaybin doono.
Somalia ayaa haatan si tallaabo talaabo ah u helaysa Caawimooyinka Dunida, waxana tan iyo intii dawladda rasmiga ah loo dhisay isa soo taraya dheefta ay dunida sida tooska ah uga helayso.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
