Uncategorized

Sidee Ayey Shacabka Reer Somaliland u Arkaan Natiijada Wada-hadalladii Turkiga?

Hargeysa:20-Jan-2014(SDN)-Shacabka Reer Somaliland, ayaan il farxadi ku jirto ku eegin Natiijada ka soo baxday Wada-hadalladii Turkiga ku soo dhammaaday, waxana ay muujiyeen inuu shirkaasi mar kasta natiijo la’aan ku soo dhamaado.

qaranimoWaxa ay shacabku marar badan oo hore  farxad iyo riyaaq ku soo dhaweyn jireen shirar kan ka horreeyey oo labada dhinac isku hor fadhiisteen sida midkii London oo kale oo bar-bilow u ahaa in la wada Hadlo, balse wixii intaas ka dambeeyey arrimuhu uma fiicnayn sidii laga filayey oo waxa yimi Shaki iyo cago jiid sababay in shacabku niyad jab muujiyo.

Shirkii shalay soo dhammaaday oo laga soo saaray Sagaal Qoddob oo lagu sheegay inay yihiin heshiis, ayuu shacabku u arkaa Mid waji gabax ku ah oo aan la jaanqaadayn rabitaankooda iyo Himiladooda mustaqbal, maadaama ay ka filayeen wax ka duwan waxa soo baxay.

Qoddobada soo baxay  Ayaa intooda badan loo arkaa qaar aan   heshiis lagu tilmaami karin amaba u xaglinaya dhinaca Koonfurta, waxana ay shacabaku si weyn u muujiyeen in waftiga reer somaliland aanay meesha kala soo  noqonin wax la taaban karo oo dhinacooda horumar ugu muuqan kara.

Qoddobada ay shacabku sida weyn u dhaliishan yihiin ayaa waxa ka mid ah qodobka Sagaalaad ee la xidhiidha arrimaha Xasuuqa ay tirsanayaan, waxana meesha laga saaray Xasuuqii gaarka ku ahaa Waqooyiga iyo Iyadoo lagu Beddelay Tacaddiyo iyo Dhibaato loo geystay Guud ahaanba somalida oo dhan, arrintaana waxa ay shacabku u arkaan in lagaga guulaystay Waftiga reer Somaliland.

Qoddobada kale ayaa intooda badan ah qaar ka hadlaya sidii labada dhinac  u sii wadi lahaayeen wada Hadalka iskuguna soo dhawaan lahaayeen, kumana jiro hal qodob oo reer somaliland wax guul ah u horseedi karaa.

Guud ahaanba shacabka reer somaliland ayaa si weyn u aaminsan in la soo gaabiyo wada Haddalada, islamarkaana la dhaqan geliyo natiijooyinka laga soo saaro, maadaama inta badan somalia aanay ku dhaqmin waxa lagu heshiiyo oo ay iska dhayal sato.

Qoddobada shirkan ka soo baxay ayaan wax badan ka duwanayn kuwii hore, waxana kaliya ee ay kaga duwan yihiin lagu sheegay Guddida labada dhinac ee la sheegay inay Turkiga joogi doonaan si ay uga shaqeeyaan Hirgelinta Waxa lagu heshiiyey,  balse inta kale waxa ay la mid yihiin wixii hore loogu heshiin jirey oo aan Halkaas laga qaadi jirin.

Waxa maalinba maalinta ka dambaysa meesha ka sii baxaya oo fogaanaya Xiisaha iyo rajada ay reer somaliland u qabaan in lala hadlo somalia, waxana ay dadka intooda badani ku andacoonayaan in wada Hadalka la iskaga Hadho hadii aan la hirgelinayn natiijadiisa, amaba aan lagu dhaqmaynin.

Waftiga somaliland u metelaya wada Hadallada ayaa la filayaa inay dhawaan dalka dib ugu soo noqdaan, waxana laga sugayaa inay Barlamaanka u sharraxaan waxa ay natiijo la taaban karo kala soo noqdeen Halkaas.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com