Hargaysa 20.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Daboolka Ka Qaaday inaanay Xisbi ahaan Marnaba Aqoonsanayn Qodobadii ka Soo Baxay Shirkii Wada Hadalada ee Somaliland iyo Somalia ee Maalintii Shalay lagu soo Gabo Gabeeyay Magaalada Istanbul lagana soo saaray War Murtiyeedka Ka Kooban Sagaalka Qodob.
Waxa uu Gudoomiyaha Ucid ku Dooday in aanay u Cuntamayn Waxyaabaha ka soo baxay Shirkaas oo hoos u dhigaya Maqaamkii Somaliland.
Geesta kalena Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo ay warbaahintu wax ka waydiisa Wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya ugu soo dhamaaday Dalka Turkiga oo uu hore xisbigiisu u qaadacay ka dib markii laga qayb galin waayey intii an shirka la tagin in lagala tashado agendaha shirkaasi, hadaba markii uu shirku dhamaaday laguna soo heshiiyey qodoba door ah ayuu gudoomiyuhu ka gaabsaday inuu qaadaco isagoo xusay in la horkeeni doono Mudane yaasha Golaha wakiilada si ay u naaqishaan.
Gudoomayaha ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta kula hadlay warbaahinta xarunta Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in maal maha soo socda ay mudanayaasha goluhu dib u eegi doonaan Qodobada heshiiskaasi ka soo baxay ee ay labada wadan ee Somaliland iyo Somaliya ku heshiiyeen hase yeeshee waxa si buuxda u qaadacay Xisbiga ucid iyadoo aanay wali dalka ku soo laaban waftigii Somaliland uga qayb galay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
