Uncategorized

Kulan Maanta Dhex maray Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga iyo Mas’uuliyiin Ka Socotay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP

Hargaysa 20.Jan 2014 (SDN)- Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maalgashaiga caalamiga ah md bashiir cabdi xariir ayaa maanta xafiiskiisa  kula kulamy ku xigeenka xafiiska hayada UNDP ee Nairobi oo Mr david akobyan ay weheliyaan madaxa hayada UNDP ee Somaliland Mr steven Kanldeh iyo mackel firmbeg oo ah khabiir ku takhasusay culuumta dhaqaalaha oo ka tirsan khubarada hayada UNDP.

BASHIIR CABDI XARIIRKulankaasi oo wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo xidhidhka caalamiga ah ay ku wehelinayeen agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradaasi ayaa lagaga wada hadlay sidii hayada UNDP ay ula shaqayn lahayd wasaarada  iyadoo si gaar ah uga taakulaynaysa wasaarada waaxda maalagashiga caalamiga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaraarada ganacaiga iyo maalgashiga caalamiga ah md bashiir cabdi xariir oo ka warmay kulankaasi  ayaa sheegay in  saraakiisha hayada UNDP ay ka wada haleen  sidii hayada UNDP ay gacan uga siin lahayd ariamaha shuruucda ganacsiga iyo dhaqaalaha , xoojinta tayada hawlqabadka wasaarada  iyo fududyanta wada shaqaynta wasaarada  iyo ganacsatada madaxa banana, waxaanu intaa raaciyay in kuankas oo socday mudo laba saacadood  ayaa masuuliyiintu ay kaga warameen waxyaabaha u qabsoomay wasarad ahaan islamrkaawaxa ay hayada usoo jeediyeen in ay ka caawiso meelaha ay u baahan in waxlagala qabto halkaas oo masuuliyiinta hayada UNDP ay balan qaadeen in wax la qabanayaan

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com