Hargaysa 20.Jan 2014 (SDN)- Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maalgashaiga caalamiga ah md bashiir cabdi xariir ayaa maanta xafiiskiisa kula kulamy ku xigeenka xafiiska hayada UNDP ee Nairobi oo Mr david akobyan ay weheliyaan madaxa hayada UNDP ee Somaliland Mr steven Kanldeh iyo mackel firmbeg oo ah khabiir ku takhasusay culuumta dhaqaalaha oo ka tirsan khubarada hayada UNDP.
Kulankaasi oo wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo xidhidhka caalamiga ah ay ku wehelinayeen agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradaasi ayaa lagaga wada hadlay sidii hayada UNDP ay ula shaqayn lahayd wasaarada iyadoo si gaar ah uga taakulaynaysa wasaarada waaxda maalagashiga caalamiga ah.
Wasiir ku xigeenka wasaraarada ganacaiga iyo maalgashiga caalamiga ah md bashiir cabdi xariir oo ka warmay kulankaasi ayaa sheegay in saraakiisha hayada UNDP ay ka wada haleen sidii hayada UNDP ay gacan uga siin lahayd ariamaha shuruucda ganacsiga iyo dhaqaalaha , xoojinta tayada hawlqabadka wasaarada iyo fududyanta wada shaqaynta wasaarada iyo ganacsatada madaxa banana, waxaanu intaa raaciyay in kuankas oo socday mudo laba saacadood ayaa masuuliyiintu ay kaga warameen waxyaabaha u qabsoomay wasarad ahaan islamrkaawaxa ay hayada usoo jeediyeen in ay ka caawiso meelaha ay u baahan in waxlagala qabto halkaas oo masuuliyiinta hayada UNDP ay balan qaadeen in wax la qabanayaan
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
