Uncategorized

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo soo dhaweeyay Dhismaha Maamulka Jubba

Muqdisho 20.Jan 2014 (SDN)- Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo caleema-saarka iyo dhismaha Golaha Fulinta ee maamulka KMG ah ee Jubba.

nikolayWuxuu hoggaamiyaha maamulkaas Axmed Maxamed Islam (Madoobe) ugu hambalyeeyay habka uu u maray magacaabista ku xigeennadiisa iyo wasiirrada, arrintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah oo lagu hirgeliyay heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray 27-kii August ee sanadkii hore.

Danjire Kay ayaa xafladda caleema-saarka madaxda maamulka Jubba oo maanta ka dhacday Kismaayo ka sheegay inay muhiim tahay inay maamulka ka dhex muuqdaan haweenka iyo wakiillo ka kala socda saddexda gobol ee uu matalo.

Wuxuu ballan-qaaday in ay Qaramada Midoobay kala shaqeyn doonto bulshada caalamka taageerada la siinayo maamulka KMG ah ee Jubba, isagoo xusay in hay’adda UNSOM ay joogto Kismaayo ayna sii wadi doonto fududeynta wadahadallada iyo taageerada farsamo ee ay siiso maamulka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com