Uncategorized

Ciidanka Dawladda Oo Tiro Shacab Rakaab ahaa Ku Laayey Isbaaro U Taallay Deegaanka Afgooye

Afgoye:21-Jan-2014(SDN)-Wararka Laga Helayo Aagga Carbiska ee Degmadda Afgoye, ayaa Sheegaya in ciidanka Dawladdu ay Halkaasi ku laayeen Maalintii shalay Shacab Rakaab ahaa oo halkaas marayey.

shacabka-la-laayeyWararka ayaa intaas ku daraya in Gaari Bas ayaa Waddada  marayey uu iska diiday inuu Bixiyo Lacag ay weydiiyeen Ciidan ka Tirsan kuwa Dawladda oo halkaas Isbaaro dhigtay, waxana ay taasi keentay in rasaas Ciidanku Furay ay layso Tiro dad ah oo Wadihii Baabuurku ku jiro.

Dhimashada Wadaha ayaa keentay inuu Gaadhigii uu Dhaco, isla-markaana ay Halkaas  dhimasho iyo dhaawac kale ka soo gaadhaan Rakaabkii Gaadhiga saarnaa.

Inta la og yahay waxaa ku dhintay saddex ruux waxaana ku dhaawacmay laba kale oo ahaa dhamaan dadkii rakaabka ahaa ee baabuurka la socday marka laga reebo darawalka oo dadka dhintay ka qeyb ahaa.

 

Isbaarooyinka dadka lagu dhibaateeyo ayaa kusoo badanaya wadada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaana ciidamada isbaarada dhigta mararka qaar ay rasaas ku furaan baabuurkii diida bixinta lacagta ay dalbadeen taasi oo waxyeelo shacabka aan waxba galabsan soo gaarta.

Dhaqanka noocan oo kale ah ayaa noqday mid ay ku caan baxeen ciidanka Dawladda ee Deeganaddaas joogaa, waxan ay iska diideen ammaro isdaba socday oo uu madaxweyne Xasan dhawr jeer ka soo saaray Isbaarooyinka ay ciidamada Dawladdu  dhiganayaan.

Lama Garanayo Tallaabada uu hoggaanka Ciidanku ka qaadi doono ciidamadan shacabka sidan ula dhaqmaya, waxase muuqada in Haddii kooxahaas la Aqoonsado in Gacan adag wax lagaga qaban doono.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com