Uncategorized

Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo Dagaal Maanta Dhex Maray

Shabeelada Hoose 21.Jan 2014 (SDN)- Ciidamada Milatariga Soomaalia oo kala ah Milatariga iyo Nabadsugid ayaa maanta ku dagaalamay Deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka-dowladda-300x225Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dagaalamay uu dagaal kooda yimid kadib Ciidamada Milatariga oo isbaaro ay u Tiilay Xaawo Cabdi ay Ciidamada Nabad sugida ay is ku dhaceen,kuwaas oo doonayey in ay Isbaarada Qaadaan.

Rasaas dhexe martay Labada Ciidan ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 Ruux oo Askari Ciidamada Isbaarada dhigtay uu ku jiro,waxaana intaa kadib Ciidamada Nabadsugida ay Qabteen 3 kamid ahaa Ciidamadii Isbaarada u Tiilay.

Shabeelada Hoose SDN.

Qurbejoog.com