Uncategorized

Magaalada Gaalkacayo oo Shan Qof ugu Geeriyoodeen Qarax ka Dhacay iyo Todoba kalena ay ku dhaawacmeen

Gaalkacayo 21.Jan 2014 (SDN)- Shan qof ayaa ku dhimatay, toddobo kalena way ku dhaawacantay qarax nooca rumuutka laga hago ah oo maanta ka dhacay agagaarka xarun caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Qarax-1-300x168Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa dad rayid ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay.

Lama oga cidda uu bar-tilmameedku ahaa.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa cambaareeyay falka, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay inay baarayaan ciddii ka dambeysay qaraxa, isagoo u tacsiyeeyay ehelada dadka geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog.com